Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee Atalanta, ayaa go’doomin ku sameeyay doon kalluumeysi oo ay afduubteen burcad-badeed la sheegay inay yihiin Soomaali, taas oo laga cabsi qabay in loo adeegsado weerarro ka dhan ah maraakiibta ganacsiga.
Doonta oo lagu magacaabo Alwaseemi 786, isla markaana sidata calanka Iran, ayaa la afduubtay 24-kii bishii hore ee Maarso, iyadoo ku sugnayd meel qiyaastii 400 mayl-badeed bari ka xigta Mogadishu. Howlgalka ayaa markaas kadib ka digay khatarta ay doontu keeni karto, isagoo maraakiibta kale kula taliyay inay ka fogaadaan aagga.
Ciidamada Atalanta ayaa dib u habeeyay howlgalladooda, waxayna 27-kii Maarso heleen doonta, xilli ay ku sugnayd aag 480 mayl-badeed koonfur-bari ka xigta Muqdisho, iyagoo adeegsanaya maraakiib dagaal iyo diyaarado xog ururin ah.
Illaa 30-kii Maarso, doonta ayaa si buuxda loo go’doomiyay, inkastoo ay weli u socotay dhanka bari, iyadoo ku wajahneyd xeebaha Soomaaliya. Howlgalka ayaa sidoo kale sheegay inuu xiriir la leeyahay hay’adaha dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo iskaashiga amni.
Mas’uuliyadda sii-deynta doonta iyo shaqaalaheeda ayaa la filayaa inay hoggaamiyaan dhinacyada Soomaaliya, maaddaama dhacdadu ka dhacday biyaha dalka, halka Atalanta ay sii wadi doonto la socodka iyo dadaallada lagu aqoonsanayo burcad-badeedda ku lugta leh.
HBN ONLINE TV

