Somaliland oo bilawday xal u helidda colaad ka jirta Awdal iyo salal

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta bilowday dadaallo lagu xallinayo colaadaha ka taagan deegaannada gobollada Awdal iyo Salal, kaddib markii wafdi heer sare ah ay gaareen halkaasi.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka degay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Safarkooda ayaa lagu tilmaamay mid hordhac u ah qorshe ballaaran oo lagu doonayo in xal waara looga gaaro xiisadaha colaadeed ee ka aloosan labada gobol.

Masuuliyiinta safarka ku wehelinaya Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Tamarta iyo Macdanta, iyo Taliyaha Ciidanka Somaliland, kuwaas oo dhammaantood la tilmaamay in door muhiim ah ka qaadan doonaan dadaallada nabadaynta.

Xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa inay kulamo la qaadato odayaasha dhaqanka, waxgaradka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si loo dejiyo xiisadaha jira, loona gaaro heshiis nabadeed oo waara.

Socdaalkan ayaa ka dambeeyey kulan gaar ah xukuuumadda Somaliland ku qabatay madaxtooyada Hargeysa, halkaasi oo lagu gorfeeyey sida loo wajihi karo xiisadaha ka taagan gobolka Awdal.

Dadaalladan ayaa imaanaya xilli ay jiraan cabashooyin iyo iska horimaadyo soo noqnoqday oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Awdal iyo Salal, kuwaas oo sababay khasaare iyo barakac.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed