Iyada oo maanta ay degan tahay xaalada amni ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa gaaray Wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, kuwaa oo qeyb ka ah dadaallo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee ka taagan gobolka.
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ah la-taliyaha arrimaha dastuurka ee Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud. Wafdiga waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee XFS, wasiiro ka tirsan dowladda, xildhibaanno ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka, siyaasiin iyo madax kale.
Halkaasi waxaa kaga sii horeeyey xubnahan maanta gaaray magaalada masuuliyiintii shalay horkacay ciidamada la wareegay gacan ku haynta Baydhabo.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ujeedka socdaalka wafdigan uu la xiriiro wadatashiyo iyo xal u helidda xiisadaha siyaasadeed ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Baydhabo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee maamulkaas.
Wafdiga ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan madaxda maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo xasilloonida.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

