Ciidamada Amniga Somaliland oo Hargeysa ka wada baadi-goob nin dil geystay

Laamaha amniga Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka wada howlgal ay ku baadi-goobayaan nin lagu eedeeyay inuu dil maanta u geystay qof shacab ah.
Taliska Ciidamada Booliska ayaa war ay soo saareen ku sheegay in eedaysane lagu magacaabo Cabdirisaaq Aadan Rooble uu barqanimadii saaka uu dil u geystay Marxuum Maxamed Axmed Kaahin oo Hargeysa lagu dilay.

Falkan dilka ah ayaa ka dhacay xaafadda Jungalka ee magaalada Hargeysa, waxaana si degdeg ah Boolisku uu sheegay in la bilaabay baaritaan iyo raad-raac ciidamada ammaanka.

“Taliska Ciidamada Booliska JSL waxay bulshada ka codsanayaan in ay gacan ka geystaan soo qabashada eedaysane Cabdirisaaq Aadan Rooble, oo ku eedaysan in maanta saacaddu markay ahayd 10:30 uu dil u geystay Marxuum Maxamed Axmed Kaahin” ayaa lagu yiri warka Taliska Booliska Somaliland.

Booliska ayaa ugu baaqay shacabka in ay gacan ka geystaan soo qabashada eedaysanaha, isla markaana cid kasta oo haysa xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay ay la xiriirto laamaha amniga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed