Wasiirro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka soo muuqday dhinaca ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya DFS ee la wareegay inta badan magaalada Baydhabo, iyagoo ugu baaqay shacabka in ay si nabad ah ula shaqeeyaan ciidamada.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Maxamed Isxaaq Fanax, oo ka hadlay goob ay joogeen mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo maanta gaaray Baydhabo, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta magaalada.
“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la wareegay Baydhabo, dadka waa walaalo, yaan loo dhibaateynin qof lagu eedeeyo inuu la shaqeynayay dhinac kale,” ayuu yiri Wasiir Fanax.
Wuxuu sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda si loo adkeeyo amniga, isagoo ku celiyay in la soo dhaweeyo ciidamada federaalka.
Mas’uuliyiinta kale ee ka tirsan Koonfur Galbeed ee kasoo muuqday dhinaca dowladda waxaa ka mid ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Nuur Siidow Baaba.
Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa hore u qiray in inta badan magaalada Baydhabo ay gacanta ku hayaan ciidamada DFS, iyadoo xaaladda guud ee magaalada ay weli tahay mid si dhow loola socdo.
HBN ONLINE TV

