Maxaa ka jira in Madaxweyne Laftagareen diyaarad uga baxay Baydhabo?

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Xasan Laftagareen, uu weli ku sugan yahay xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo, kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in oo uu diyaarad ka raacay.

Afhayeenka madaxweynaha maamulkaas Xasan Cabdi Maxamed oo BBC-da la hadlay ayaa beeniyay wararka sheegaya in madaxaweyne Laftagareen uu isaga baxay Baydhabo, wuxuu sheegay inuu joogo magaalada.

“Madaxweynaha waa fiican yahay wax dhibaato ahna ma qabo” ayuu yiri afhayeen Xasan.
Wuxuu beenitay in ciidamada Itoobiya oo gacanta ku haya garoonka ay waardiyeynayaan.

Dhanka kale, xaaladda magaalada Baydhabo ayaa weli kacsan, iyadoo ciidamada Dowladda ay la wareegeen inta badan magaalada, sida ay qireen masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed