Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in goor dhow uu halkaas ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya laba ciidan oo lagu tilmaamay inay kala taageersan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in la maqlayo rasaas culus oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac, iyadoo dagaalku ka billowday agagaarka suuqa xoolaha oo ku dhow koontaroolka waddada laga soo galo Muqdisho ee magaalada Baydhabo.
Warbaahinta gudaha ee Baydhabo oo soo xiganaysa taliska ciidanka la magacbaxay “Badbaadada Koonfur Galbeed,” oo ay wehliyaan cutubyo ka tirsan xoogga dalka, ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay gudaha u galeen magaalada kadib markii ay jebiyeen sida hadalka ay dhigtay difaacyadii ciidanka taabacsanaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis LaftaGareen.
Dhanka kale, weli wax war rasmi ah kama soo bixin mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan dagaalka socda.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan, hase yeeshee xiisaddan ayaa la filayay maalmihii la soo dhaafay, iyadoo ay jireen abaabul ciidan, hanjabaado iyo baaqyo nabadeed oo ka imanayay dhinacyada is haya.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

