Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay qunsulka Itoobiya ee Puntland, Tagesse Lambamo Dimbore, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya.
Kulanka oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo iskaashiga gobolka.
Madaxweyne Deni ayaa wafdiga Itoobiya uga mahadceliyey sida ay madaxtooyada maamulka faafisay booqashadooda, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta si loo xaqiijiyo xasilloonida mandaqadda.
Dhankooda, wafdiga Itoobiya ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay sida warka lagu sheegay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leeyihiin Puntland, iyagoo tilmaamay muhiimadda iskaashi amni iyo mid istaraatiiji ah.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xooggan gudaha Soomaaliya, oo ay weheliyaan khilaafaad u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada.
Sidoo kale, Itoobiya ayaa weli saameyn ku leh arrimaha Soomaaliya, iyadoo ciidamo ay ka joogaan dalka, gaar ahaan magaalooyin muhiim ah sida Baydhabo oo ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni.
HBN ONLINE TV

