Mas’uuliyiin sare oo Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlay xiisadda Koonfur Galbeed

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, iyo siyaasiyiin kale, ayaa kulan ay ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho waxaa la sheegay in diiradda lagu saaray xiisadda ka taagan maamulkaas iyo sidii looga hortagi lahaa gacan-hadal laga cabsi qabo.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiirka Dekadaha Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo isagu ka mid ah mucaaradka ugu cad ee madaxweyne Laftagareen, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo xubno kale oo isugu jira xildhibaanno, lataliyeyaal iyo saraakiil ciidan.

Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay inuu ahaa in si qoto dheer looga wada hadlo xaaladaha guud ee ka jira deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya, iyo sidii loo heli lahaa xal nabadeed oo lagu xallin karo khilaafaadka jira. Sidoo kale, waxaa xoogga la saaray muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta maamulka.

Mas’uuliyiinta ayaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka bulshada Koonfur Galbeed, isla markaana laga hortago tallaabo kasta oo dhaawici karta nabadda iyo xasilloonida, iyagoo carrabka ku adkeeyay in xal kasta lagu gaaro wadahadal iyo is-afgarad.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed