Ciidanka Dowladda oo la wareegay Daynuunaay kadib dagaal khasaare dhaliyay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Daynuunaay ee gobolka Bay, kadib dagaal culus oo ay la galeen maleeshiyaadka Alshabaab, iyadoo laga soo warinayo inuu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ka dhacay agagaarka Daynuunaay ayaa yimid sida la sheegay, kaddib markii Alshabaab ay isku dayeen weerar gaadmo ah oo ay ku beegsan rabeen fariisimaha ciidanka dowladda.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ciidamada ayaa si adag uga hortagay weerarkaasi, iyagoo jab culus gaarsiiyay kooxda sida hadalka loo dhigay.

Wararka rasmiga ah ayaa tilmaamaya in dagaalka lagu dilay 21 ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab, halka in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayey sheegtay wasaaraddu in si buuxda ay ula wareegeen deegaanka Daynuunaay, oo ah marin istaraatiiji ah oo isku xira wadada u dhaxeysa Baydhabo iyo Muqdisho, taas oo muhiim u ah isku socodka iyo sahayda ciidamada. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga gobolka Bay iyo guud ahaan dalka.

Weli waxaa jira dagaal xooggan oo la soo sheegayo inuu ka socda goobaha lagu dagaallamay.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed