Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa mar kale ku guuleystay xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kadib doorasho deg-deg ah oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo, taas oo socotay saacado kooban.
Doorashadan oo si dhaqso ah loo qabtay ayaa lagu doortay Laftagareen inuu hoggaamiyo maamulka afarta sano ee soo socota, iyadoo ay jirto xiisad siyaasadeed oo xooggan oo ka taagan magaalada.
Laftagareen oo khudbad jeediyey ayaa sheegay in amaro uu bixin doono, lana qaadi doono talaabo adag, isaga oo leh “Laga bilaabo maanta amaraan soo saareynaa, talaabaan qaadeynaa” ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.
Dhanka kale, warar laga helayo saraakiil amni oo madax-bannaan ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciidanka Itoobiya ee ku sugnaa gudaha Baydhabo lagu amray inay ka baxaan magaalada, iyaga oo u ruqaansaday duuleedka, gaar ahaan dhanka Beeraha Carabta.
Waxaa jira cabsi laga qabo in halkaasi ay isku fara saaraan ciidamada mucaaradka ee kasoo horjeeda Laftagareen.
Sidoo kale, xaaladda isgaarsiinta magaalada ayaa aad u adag, iyadoo shirkadaha isgaarsiinta ay jareen adeegyada taleefannada. Dadka ku nool Baydhabo ayaa hadda inta badan iskula xariiraya internet-ka xaafadaha, halka adeegga wicitaannada uu si weyn u hakaday.
Xaaladda guud ee Baydhabo ayaa weli kacsan, iyadoo laga cabsi qabo isku dhacyo amni iyo isbeddello siyaasadeed oo deg-deg ah saacadaha soo socda.
HBN ONLINE TV

