WAR DEGDEG AH: Ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed oo ku wajahan Baydhabo oo doorasho ka socoto

Ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwa la baxay “Badbaadada Koonfur Galbeed” oo ay horkacayaan siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya DFS ayaa maanta ka dhaqaaqay magaalada Buurhakaba, iyaga oo kusii jeeda Baydhabo, xilli ay halkaasi ka socoto dhaarinta iyo doorashada guddoonka Baarlamaanka cusub ee maamulka.

Ciidamadan ka soo horjeeda maamulka uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo si weyn ay isku hayaan DFS ayaa lagu wadaa in ay gaaraan saacadaha soo socda halkaasi.

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in goordhow la dhaariyay xildhibaanada cusub ee dooranaya guddoonka Baarlamaanka, iyadoo ammaanka magaalada si weyn loo adkeeyay.

Waxaa jirta cabsi xooggan oo laga qabo in ciidamada kusii jeeda Baydhabo ay weerar ku qaadaan goobaha ay ka socoto doorashada iyo sidoo kale garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaas oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamulka Koonfur Galbeed.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro weli war rasmi ah oo kasoo baxay DFS oo ku aaddan dhaq-dhaqaaqa ciidamadan, marka laga reebo madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in aan la ogolayn heshiis ka baxsan waxa lagu heshiiyey in maamul wax ka baxsan uu sameeyo.

Dhanka kale, warar aan si madaxbanaan loo xaqiijin ayaa sheegay in isla maanta lagu wado in lagu doorto Baydhabo Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, inkasta oo aan la shaacin cidda u tartamaysa iyo dadka u sharaxan kursiga, kulana loolami doonta madaxweyne Laftagareen oo tan iyo 2018-kii majaraha maamulka soo haayey.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed