Koonfur Galbeed oo shaacisay jadwalka doorashada, yada oo lumisay ku dhawaad 10 magaalo oo DFS si buuxda u maamulayso

Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa maanta shaaciyay jadwalka doorashooyinka Golaha Wakiillada ee maamulkaasi, kaasi oo inta aanu ku jirno bishaan lagu wado in lagu qabto magaalada Baydhabo. Xubnahaan oo dhawaan lagu dhisay xeer madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in tan iyo markii la magacaabay ay wadeen kulamo ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada rayidka iyo laamaha amniga, si loo dardargeliyo geeddi-socodka doorashooyinka.

Sida ku cad jadwalka, inta u dhaxeysa 26-ka ilaa 28-ka bishaan Maarso 2026 ayaa la shaacin doonaa habraaca soo xulista xildhibaannada Golaha Wakiillada 3-aad, iyadoo sidoo kale la qaban doono diiwaangelinta iyo soo xulista xubnaha cusub ee baarlamaanka.
Guddiga ayaa sidoo kale qorsheeyay in la dhaariyo lana howlgeliyo xubnaha Golaha Wakiillada, kadib marka la shaaciyo liiska kama dambaysta ah ee guddoonka baarlamaanka.

Doorashada guddoonka Golaha Wakiillada ayaa lagu wadaa inay qabsoonto 29 Maarso, iyadoo maalintaas la qaban doono qabashada araajida musharaxiinta, hadal-jeedintooda iyo doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Koonfur Galbeed, tani oo ka dhigan ay hari doonto markaasi tan madaxweynaha.

Koonfur Galbeed ayaa hadda iyadu lumisay gacan ku haynta 8 magaalo oo Dowladda Soomaaliya dadaal ku bixinayso sidii ay u maamuli lahayd. Magaalooyinkaan oo ah kuwa muhiim ayna ka mid yihiin caasimadaha gobollada Shabeellaha Hoose iyo Bakool ayaa la soo warinayaa in ay ka taliyaan maamul hoos taga dowladd dhexe, waxayna kala yihiin Baraawe, Marka, Afgooye, Waajid, Xudur, Buurhakaba, Qansaxdheere, iyo Diinsoor, kuwaas oo dhammaantood wada dhaca gobollada Baay, Bakool, iyo Shabeelaha Hoose.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed