In ka badan 40 Alshabaab ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa sheegtay in khasaare culus la gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab, kadib hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, kaas oo ka dhacay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in in ka badan 40 dagaalyahan Alshabaab looga dilay howlgalka, halka tiro kale oo badan ay ku dhaawacmeen, xilli ay isku dayayeen inay weerar ku qaadaan deegaankaasi, sida hadalka loo dhigay.

Mubaarak oo ka mid ah deegaannada istiraatiijiga ah ee dhowaan laga saaray Alshabaab intii lagu jiray bishii Ramadaan ayaa haatan waxaa ka socda dadaallo dib-u-dhis iyo furista waddooyin muhiim ah oo ay horey u xireen kooxda.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska CXDS ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab, si loo xaqiijiyo amniga shacabka loogana hortago isku day kasta oo ay kooxdaasi ku doonayso sida hadalka u dhigeen inay dib ugu soo laabato deegaannada laga saaray.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed