Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa caawa shaacisay in dib-u-magacowday maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur, sida ku cad wareegto ka soo baxday wasaaradda oo ku taariikheysan 25-ka Maarso 2026 oo maanta ah.
Go’aankan ayaa lagu sheegay inuu ku saleysan yahay qiimeyn lagu sameeyay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo sidoo kale lala tashaday sida hadalka loo dhigay mas’uuliyiin sare oo ka soo jeeda gobolkaasi.
Maamulka cusub ee Gobolka Bakool ayaa laga dhigay sidan:
Maxamed Axmed Maxamed — Guddoomiyaha Gobolka Bakool
Aadan Cabdi Abaarey — Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda
Cali Isaaq Cali — Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda
Maxamed Cusmaan Xasan — Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada
Wareegtada ayaa iyadana lagu magacaabay Maamulka Degmada Xudur.Maxamed Macallin Axmed — Guddoomiyaha Degmada Xudur ahna Duqa Magaalada.
Mustaf Aadan Aadan — Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad
Humow Mursal Xasan — Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad
Cabdifitaax Maxamed Cabdi — Xoghayaha Dowladda Hoose
Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu cadeeyay in xubnaha Golaha deegaanka ee hore ay sii wadi doonaan shaqadooda ilaa laga soo dooranayo xubno cusub oo ku yimaada nidaamka doorashada qof iyo cod, waxaana loogu baaqay mas’uuliyiinta la magacaabay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda.
Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli ay jiraan isbeddello siyaasadeed iyo maamul oo ka socda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dowladda dhexe wado, inkasta oo maamulku si adag u diiday in faragalin lagu sameeyo howlihiisa gaarka ah.
HBN ONLINE TV

