Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan ku riday 5 eedeysane oo lagu helay dambiyo la xiriira waxa loogu yeero argagixisanimo, kaddib markii lagu eedeeyay basaasid, gabaadsiin iyo xiriir ay la lahaayeen kooxda Alshabaab, oo ay ku jirto in xog laga ururiyay feeryahanadda caanka ah ee heer caalami Ramla Cali intii ay ku sugnayd magaalada Muqdisho.
Xukunka ay soo saartay Maxkamaddu ayey ku ridday eedeysanaha ugu horeeya Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) 10 sano oo xabsi ah.
Sida lagu sheegay warka garsoorka Aamusane ayaa lagu eedeeyay inuu tan iyo 2014-kii ka tirsanaa qeybaha sirdoonka iyo waxa loogu yeero dhagaraha ee Alshabaab, isagoo ku lug lahaa sahminta guryaha saraakiisha, la socodka xarumaha degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamarweyne, iyo gudbinta xogaha muhiimka ah sida xarumaha lagu bixiyo kaarka aqoonsiga dadweynaha ee ay bixiso hay’adda NIRA. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu bixiyay macluumaad lagu beegsan lahaa Ramla Cali xilli ay booqasho ku joogtay dalka, gaar ah gobolka Banaadir.
Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr oo ah xubinta 2-aad, laguna xukumay 2 sano oo xabsi ah ayaa la sheegay inuu kooxda ku biiray sanadkii 2015-kii, wuxuuna Muqdisho yimid isagoo aan marin habraaca isa-soo dhiibista ee kuwa ka haray afkaarta Alshabaab.
Eedeysane Faadumo Cismaan Subeyr Cali oo ah qofka 3-aad ayaa lagu soo oogay in gabaad ay siisay eedeysaneyaasha kala ah Cabdisalaam iyo Cabdinaasir oo labaduba ay Waalid u tahay, iyadoona maalmo kadib u wareejisay Guri kiro ah oo ay leedahay yaala Degmada Xamar jajab, waxaana lagu xukumay 1 sano oo xabsi ah.
Dhanka kale, Cabdullahi Cusmaan Maxamed oo lagu eedeeyay inuu hore uga tirsanaa Alshabaab, kuna soo dhamaystay Puntland xukun maxkamadeed ayaa la siiyay xorriyaddiisa, kaddib markii maxkamaddu ku qanci weysay inuu dib ugu laabtay kooxda, ganacsine ku lahaa Suuqa Bakaaraha.
Waxaa xusid in Ramla Cali oo Soomaaliya dib ugu soo laabatay ay bishii September ee sanadkii hore 2025 ay la kulantay madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo sheegtay in imaanshiyaheedu yahay mid qiimo gaar ah u leh.
HBN ONLINE TV

