Kulan maanta Muqdisho ku dhexmaray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud &Taliyaha Taliska Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika (SOCAF), Major General Claude K. Tudor ayaa la sheegay in looga hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo Dowladda Soomaaliya wado qorshe lagu beegsanayo madaxda sare ee kooxda.
Kulankan ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay marka hore, iskaashiga amniga, horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo dardargelinta howlgalada lagu wiiqayo awoodda kooxaha loogu yeero argagixisada. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la kordhiyo tababarrada ciidamada, la xoojiyo is-dhaafsiga khibradaha, isla markaana la ballaariyo taageerada farsamo ee sare u qaadaysa awoodda ciidanka.
Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la sii adkeeyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni dalka ka hanaqaada. Kulankan ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo howlgalada militari ee ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda qaybo badan oo dalka ka mid ah.
HBN ONLINE TV

