DFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid oo amar culus Koonfur Galbeed duldhigtay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa magacawday maanta maamulka cusub ee degmada Waajid ee gobolka Bakool, kadib wareegto ka soo baxday wasaaradda oo ku taariikheysan 24-ka Maarso 2026.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay timid kadib qiimeyn lagu sameeyay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo sidoo kale talooyin ay soo jeediyeen odayaasha dhaqanka ee degmada Waajid.

Maamulka cusub ee degmada Waajid ayaa loo magacaabay sidan: Xasan Cabdi Isaaq (Bootoole) ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waajid. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Jugle) ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Amniga iyo Siyaasadda. Aadan Cali Kulow ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Arrimaha Bulshada & Ayaanle Cabdi Dhuux Yare ayaa loo magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose.

Wasaaradda ayaa fartay mas’uuliyiinta la magacaabay in ay si degdeg ah ula wareegaan xilalkooda, isla markaana si hufan u maamulaan adeegyada iyo arrimaha bulshada ee degmada.

Sidoo kale, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso ayaa lagu wargeliyay in ay taageeraan hirgelinta maamulka cusub si loo xaqiijiyo xasillooni iyo horumar ka hirgala degmada Waajid. Magacaabistan oo dhaqan gashay ayaa waxaa saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Xil. Cali Yusuf Cali-Xoosh.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed