Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarad maanta lagu rasaaseeyay garoonka diyaaradaha ee degmada Waajid ee gobolka Bakool, xilli ay ku jirtay marxaladdii ugu dambeysay ee soo degista, ayna cabsi gelisay duuliyihii iyo shaqaalihii saarnaa.
Wararka ayaa tilmaamaya in diyaaradda ay saarnaayeen saraakiil iyo askar ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sii jeeday Waajid. Rasaasta ayaa la sheegay in ay ka dhacday gudaha garoonka, xilli ay diyaaraddu ku soo dhowaatay goobta degista.
Sidoo kale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in rasaasta ay fureen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku sugnaa garoonka, iyadoo dhacdadan lala xiriirinayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Diyaaradda waxaa lahayd shirkadda Star Airline, waxaana sawiro laga soo qaaday ay muujinayaan rasaas haleeshay baalasha diyaaradda iyo qaar saray qeybaha hore ee diyaaradda.
Duuliyihii diyaaradda ayaa qaaday go’aan degdeg ah oo badbaado, isaga oo joojiyay soo degista kuna laabtay hawada sare si uu uga fogaado halista. Diyaaradda ayaa ugu dambeyn ka dhaqaaqday hawada Waajid iyadoo aan degin, mana jirto wax khasaare ah oo la soo sheegay, inkastoo baaritaan uu socdo.
Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa amar uu soo saaray ku sheegay in aysan ka dagi karin diyaarad aan heysan oggolaansho garoomada diyaaradaha deeganadooda, halka la xiray hawada garoomadooda.
“Dhammaan shirkadaha duulimaadyada iyo hawl-wadeennada waxaa lagu wargelinayaa in hawada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya la xiray, iyadoo go’aankan uu dhaqan galay si degdeg ah ilaa ogeysiis dambe laga soo saarayo” ayaa lagu yiri warka maamulka Koonfur galbeed.
HBN ONLINE TV

