Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa si cad u taageeray go’aanka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyagoo ku tilmaamay “tallaabo taariikhi ah” oo lagu ilaalinayo danaha gobolka iyo midnimada dalka. Hadalkan ayay ka jeediyeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Baydhabo.
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in xal u helidda arrimaha Koonfur Galbeed uu ku jiro gudaha deegaannada maamulka, isla markaana aan waxba looga qaban karin Muqdisho. Wuxuu ka digay in la adeegsado sida uu hadalka u dhigay awood ciidan oo keeni karta burbur iyo xaalado bini’aadantinimo, isagoo ku boorriyay dowladda federaalka inay la shaqeyso bulshada deegaanka halkii ay ka abuuri lahayd sida uu ku dooday xiisad cusub.
Sidoo kale, Xildhibaan Aadan Saran-Soor ayaa sheegay in siyaasadda ay hadda waddo Dowladda Federaalka ay halis gelin karto midnimada Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay khilaafaadyadii hore ee kala dhex galay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.
Wuxuu sidoo kale kaga digay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud inuu qaado tallaabooyin keeni kara qalalaase siyaasadeed, isaga oo ku eedeeyay ku guuldareysi ah la ilaalinta midnimada dalka.
Ugu dambeyn, Xildhibaan Xasan Cabdinuur oo isna hadlay ayaa sheegay in go’aamada hadda la qaadanayo ay yihiin kuwo lagu badbaadinayo dadka iyo dalka, isla markaana ay garab taagan yihiin shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed. Wuxuu digniin ka bixiyay in hubka qaranka loo adeegsado burburinta nidaamka Koonfur Galbeed, isagoo ku adkeeyay in arrintan aysan aqbali doonin siyaasiyiinta iyo shacabka deegaanka.
HBN ONLINE TV

