Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo qaaday maanta tallaabo cusub oo muujinaysa mid jawaab ah, lana jaanqaadaysa siyaasadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka wado gobollada maamulka ayaa u magacowday taliye cusub magaalada Baydhabo.
Xeerka Madaxweyne Laftagareen oo ahaa Lambar 160, kuna taariikhaysan 22-ka Maarso 2026, ayuu ku magacaabay Gaashaanle Sare Mukhtaar Ibraahim Maxamed (Mukhtaar Dugudow) inuu noqdo Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Baydhabo. Magacaabistan ayaa timid kadib soo jeedin ka timid sida la sheegay Wasaaradda Amniga KGS.
Go’aankan oo la sheegay in lagu saleeyay dastuurka maamulka iyo xeerarka ciidanka booliska ayaa carrabaabay inuu tixgelin doono baahida loo qabo dhameystirka qaab-dhismeedka iyo tayeynta howlaha ciidanka booliska ee gobolka. KGS ayaa sheegay in la doonayo in la xoojiyo amniga magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada hoos yimaada maamulka.
Sidoo kale, taliyaha cusub ayaa yeelanaya sida hadalka loo dhigay dhammaan xuquuqda iyo waajibaadka uu dhigayo xeerka ciidanka booliska.
Dhanka kale, Sida uu baahiyey Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliya oo sheegay isaguna inuu muhiimad siinaayo sugida amniga Gobolka Baay ayaa u magacaabay Taliyaha saldhigga Boliiska degmada baydhabo Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Axmed (Moora-gaabeey), iyada oo ku dooday in magacaabistaan ay ku soo aadayso xili “xaalado amni daro ka taagan tahay Gobolka Baay.
Shalay, warqad kasoo baxday taliska booliska Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Taliyaha Qeybta Boliiska Gobolka Baay ee Koofur Galbeed Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali (Duudishe), halka iyaguna Koonfur Galbeed ay ka dhigeen Taliyaha cusub ee Baay Sareeye Guuto Amiin Maxamed Cusman.
HBN ONLINE TV

