Taliye cusub oo loo magacaabay ciidamada Booliska Gobalka Baay

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa maanta magacaabay Taliyaha Ciidanka booliska gobolka Baay ee Koonfur Galbeed, iyada oo go’aankan uu soo baxay saacado kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS xilka qaaday taliyihii gobolka ugu magacownaa.

Taliyaha cusub ee Koonfur Galbeed ee Baay ayaa lagu sheegay magaciisa Sareeye Guuto Amiin Maxamed Cusman, kaasi oo wareegto madaxweyne Laftagareen ugu idmanaa doona xukuumadda Baydhabo gobolka.

Go’aankan wuxuu ku soo aadayaa, Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali (Duudishe) u magacowday Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo xilkaasi uu kala wareegayo Amiin Mad-daruur.

Wararka ayaa sheegaya in Amiin uu ka mid ahaa saraakiisha ku sugan magaalada Baydhabo ee la safan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, isla markaana uu diiday inuu u hoggaansamo amar kaga yimid dowladda Federaalka oo ahaa inuu yimaado Muqdisho.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed