Waaxda Arrimaha Gudaha ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo lagu dhiirrigelinayo muhaajiriinta sharci-darrada ah in ay si iskood ah uga baxaan dalka, iyagoo helaya gunno lacageed iyo fududeyn safar, waxaana dalalka dadkooda la calaamadeeyey ku jira Soomaaliya.
Qorshahan oo lagu tilmaamay “fursad taariikhi ah” ayaa siinaya dadka sharci-darrada ah ku tagay dalkasi tigit safar oo bilaash ah, cafin ganaaxyadii ka dhashay ku guuldareysiga ka bixitaanka Mareykanka, iyo lacag dhan $2,600 oo loogu talagalay in lagu taageero dib ugu laabashada dalkooda hooyo ama dal kale oo ay sharci ku joogaan.
Dalalka ay arrintan quseyso warbixintaan ayaa lagu kala sheegay Soomaaliya, Pakistan, Honduras iyo kuwo kale, iyadoo dadka ka faa’iideysanaya looga baahan yahay in ay iska diiwaangeliyaan barnaamijkan iyagoo adeegsanaya App-ka moobilka ee CBP Home.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay dadaallada lagu yareynayo tirada dadka sharci-darrada ku jooga dalka, isla markaana lagu dhiirrigelinayo in si nabad ah oo sharciyeysan dib loogu noqdo.
Barnaamijkan ayaa la filayaa in uu saameyn ku yeesho kumannaan muhaajiriin ah, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dalalka ay ka mid tahay Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood wajahaya caqabado sharci iyo dhaqaale oo ku saabsan joogitaankooda Mareykanka.
HBN ONLINE TV

