Siyaasiyiin mucaarad ah oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa si kulul u weeraray maamulka madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyagoo ku eedeeyey hoggaan xumo, kicin colaadeed iyo inuu waqtigiisii dhammaaday.
Xubnahan siyaasiyiinta ah oo isagu jira, Wasiir hore oo ka tirsanaa Koonfur Galbeed iyo qaar kale oo gobolka ka soo jeeda ayaa sheegay in tan iyo markii Laftagareen la doortay sanadkii 2018 ilaa maanta oo la joogo 2026 ay sii kordhayaan sida ay hadalka u dhigeen dhibaatooyinka iyo daadinta dhiigga shacabka.
“Ma jirto degmo aan dhiig lagu daadinin,” ayuu yiri Wasiirkii hore Cadaalada koonfur galbeed Maxamed Joon, isagoo tilmaamay in xaaladda amni ee deegaanada maamulka ay aad uga sii dartay.
Sidoo kale, siyaasi lagu magacaabo Xasan Black ayaa si toos ah u dhaliilay hadal uu jeediyey madaxweynaha, isagoo yiri: “Madaxweyne Guri aad adigu leedahay ma ku jirnaa. Ujeedkeenu waa in aan dadka sida qaldan uu wax tusaayo rajiimka Koonfur Galbeed ka jira inaan u sheegno xaqiiqada jirta. Dadka Koonfur Galbeed nolosha ay ku noolyihiin waxaa dhaanta dhimasho, 8 sano ayey banaanka taagan yihiin adiga dartaa” ayuu ku weeraray hadalka madaxweynaha.
Dhankeeda, Sahro Shariif oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka digtay in xaaladdu isu beddesho dagaal ama kala qaybsanaan, iyadoo ugu baaqday madaxweynaha inuu xilka ka dego. “Koonfur Galbeed uma baahna dagaal ama kala fogaansho cusub. Madaxweyne Laftagareen, adiga ayaa lagu diidan yahay, waqtigaaguna wuu dhammaaday, iska tag,” ayay tiri.
Hadaladan culus ee mucaaradka ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo sare u qaadday xiisadda siyaasadeed ee ka jirta dalka.
HBN ONLINE TV

