Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku muujisay walaac xooggan oo ay ka qabto xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed. Dowladda waxay sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda, isla markaana aysan habboonayn in xilligan la abuuro caqabado saameyn kara xasilloonida.
DFS waxay caddeysay in aysan qayb ka ahayn xasillooni darrada ka jirta qaar ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed, balse ay si degdeg ah uga shaqeynayso sidii loo joojin lahaa colaadaha, khilaafaadkana loogu xallin lahaa wadahadal. Waxaa sidoo kale la xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta guulaha laga gaaray la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.
“DFS waxa ay cambaaraynaysaa go’aanka ka soo baxay madaxtooyada Koonfur-Galbeed ee lagu sheegay in ay hakisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay DFS, waxayna caddaynaysaa in hay’adaha DFS dhankooda ay gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kuwa sharci ee ka saaran deegaannada Koonfur-Galbeed iyo Shacabka ku nool” ayaa lagu yiri warka DFS.
Dowladda Federaalka ayaa si kulul u cambaareysay go’aanka maamulka Koonfur Galbeed uu ku hakiyay wadashaqeyntii kala dhaxaysay DFS. Waxay ku adkaysatay in hay’adaha dowladda dhexe ay weli gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kuwa sharci ee ku wajahan shacabka ku nool deegaannadaas.
“DFS waxa ay ugu baaqaysaa maamulka Koonfur-Galbeed in uu sii wado ka qeyb ahaanshaha hannaanka dib u heshiisiinta iyo dimuqraadiyadeynta” ayaa lagu yiri markale warka DFS.
Dhanka kale, DFS waxay bogaadisay doorka shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed ee ku aaddan ilaalinta midnimada dalka iyo ka qeyb qaadashada geeddi-socodka dib u eegista dastuurka iyo dimuqraadiyeynta. Waxay ku boorrisay maamulkaasi in uu sii wado ka mid ahaanshaha hannaankaas muhiimka ah.
Ugu dambeyn, dowladda ayaa ugu baaqday bulshada, beelaha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed in ay ka fogaadaan wax kasta oo halis gelin kara amniga iyo nabadda. Waxay ku adkaysay muhiimadda ay leedahay wadajir iyo feejignaan si loo ilaaliyo badqabka shacabka.
HBN ONLINE TV

