Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray digniin adag oo ku saabsan daaweynta dadka dhaawaca ah ee la geeyo xarumaha caafimaadka ee ku yaalla magaalada Baydhabo, kadib markii uu soo saaray hadallo culus oo lagu faray dhammaan xarumaha caafimaadka in aan la daaweyn karin bukaan dhaawac ah—haddii aysan ka war haynin ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Wararka ayaa sheegaya in amarkan uu qayb ka yahay dadaallo lagu xoojinayo amniga, iyadoo la doonayo in laga hortago in xarumaha caafimaadka lagu daweeyo xubno ka tirsan kooxaha hubeysan oo maamulka kasoo horjeeda.
Sidoo kale waxaa lagu amray maamulayaasha isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka— xili ay wareegtada ay soo saareen ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ay tallaabadan ay qeyb ka tahay howlaha lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida guud ee deegaanada maamulkaasi.
“Xarun kasta oo caafimaad waxaa waajib ku ah in ay si cad u xaqiijiso una diiwaangeliso macmluumaadka qofka dhaawacan (magaca, aqoonsigiisa, waxa uu yahay, meesha uu ka tirsan yahay, iyo xogihiisa oo buuxa.Sababta iyo goobta uu dhaawaca ku soo gaaray” ayaa lagu yiri warka Booliska Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in amarkan loo soo saaray xoojinta amniga guud, ka hortagga falal lagu sheegay “dembiyada, iyo ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta ah”—waxaana warka lagu soo gabagabeeyey in la farayo dhammaan xarumaha caafimaadka in ay si degdeg ah ugu hoggaansamaan awaamiirta la soo saaray.
HBN ONLINE TV

