Waxaa xanibaad dhanka socdaalka ah uu ku soo rogay saraakiil ka mid ah ciidamada qalabka sida ee ka howlgalla deegaannadiisa, maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS), isaga oo amar ku bixiyay in aysan u safri karin magaalada Muqdisho ilaa amar dambe. Go’aankan ayaa yimid xilli saacadihii la soo dhaafay si weyn looga hadal hayay xiisad ka dhex aloosantay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS iyo KGS.
Amarkan saraakiisha lagu xanibay ayaa ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha KGS, taas oo sheegtay in saraakiisha ciidamada lagu wargeliyay inaysan ka bixi karin magaalada Baydhabo inta amar kale laga soo saarayo. Wasaaradda ayaa tilmaantay in tallaabadan ay la xiriirto dadaallo lagu sugayo amniga iyo xasiloonida deegaanada maamulka.
War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 16-ka Maarso 2026 oo maanta ah aan saraakiisha lagu arki karin safarro ka baxsan Baydhabo inta ay socdaan howlo amni oo lagu xaqiijinayo xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale waxaa lagu amray saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ku xusan amarka inay si buuxda u hoggaansamaan go’aankaas ilaa amar kale oo rasmi ah kasoo baxo wasaaradda.
“Sidaas darteed, dhammaan saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ku xusan warqaddan waxaa la farayaa inay u hoggaansamaan amarkaan, ilaa amar kale oo rasmi ah ka soo baxo Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya DKS” ayaa lagu yiri warka wasaaradda, balse laguma sheegin xubnaha ay quseyso dadka sida gaar ah ay ugu socotay waraaqdan.
Warar hore ayaa tilmaamay in DFS ay u yeertay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ee ka howlgalla Koonfur Galbeed si ay toddobaadkan u yimaadaan Muqdisho. Qaar ka mid ah saraakiishaas ayaa durba soo gaaray caasimadda, halka kuwo kale aan weli la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonaan yeeritaanka.
Ilo madaxbanaan ayaa sheegay in Saraakiisha loo yeeray ay ka mid yihiin Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda ee Koonfur Galbeed Maxamuud Shaahiyow iyo Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Maxamed Yariisow Aadan, kuwaas oo lagu sheegay inay ka mid yihiin saraakiisha muhiimka ah ee la doonayo inay yimaadaan Muqdisho.
HBN ONLINE TV

