Xildhibaannada Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Bariga Afrika oo lagu dhaariyay Tanzania

Waxaa maanta Magaalada Arusha ee dalka Tanzania lagu dhaariyay xildhibaannada Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ee (EALA) , kaddib markii ay soo buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Ilyaas Cali Xasan, ayaa sheegay in dhaarinta xubnahan ay ka dhigan tahay guul siyaasadeed oo muhiim u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS iyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay dalka u suuragelisay inuu si rasmi ah xubno ugu yeesho Baarlamaanka EALA.

Soomaaliya oo dhowaan ku biirtay dalladda Bariga Afrika ayaa haatan buuxisay kuraasteeda Baarlamaanka, iyadoo sidoo kale si joogto ah uga qaybqaadata shirarka iyo go’aamada ay qaataan dalalka xubnaha ka ah ururkaasi.

Xildhibaannada cusub ayaa ku soo baxay doorasho ay ku tartameen musharrixiin kala duwan, waxaana ugu dambayn ku guuleystay xubnaha maanta lagu dhaariyay, kuwaas oo hadda si rasmi ah uga mid noqonaya Baarlamaanka EALA si ay u matalaan danaha Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed