Dowladda Jabuuti ayaa ciidamo cusub usoo dirtay Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, ciidankaan ayaa berri oo isniin ah kusoo wajahan Dalka sida uu sheegay sarkaal katirsan guutada 13-aad ee Hiil walaal.
Ciidamadaan waxaa la gaynayaa deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan ee Hir-Shabeelle si ay u xoojiyaan ciidanka ka socda dalkaas ee horay u joogay halkaas sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan saraakiisha ciidankaas.
Taliyaha Ciidamada Difaaca Jabuuti Sakariya Sheekh Ibraahim ayaa kormeeray ciidankaan isaga oo kula dardaarmay in ay gutaan waajibka ka saaran ilaalinta nabadgalyada iyo la shaqaynta ciidamada Soomaaliya iyo kuwa kale ee AUSSOM.
Jabuuti waxa ay horay Soomaaliya ku heshiiyeen in la kordhiyo howlgallada ka dhanka ah Alshabaab, iyada oo la ballaarinayo howlgalladaas isla markaana la gaarsiinayo deegaannada weli ka maqan gacanta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Dowladda kale ee la sugayo in ciidamo ay keento Soomaaliya waa Masar, taasi oo iyadu bishii hore soo bandhigtay gaadiid iyo ciidamada loo qoondeeyey in Soomaaliya ka howlgalaan.
HBN ONLINE TV

