Dalka Hindiya ayaa maanta la hor keenay maxkamad muwaadiniintii ugu badnaa ee Soomaali ah oo muddo ku xirnaa xabsiyada dalkaas, iyadoo dhageysiga dacwaddooda ay ka qeyb galeen masuuliyiinta Soomaaliya ee halkaas ku matala.
Safiirka Soomaaliya ee Hindiya, Cabdullaahi Maxamed Odawaa, ayaa booqday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xiran, isagoo u kuur-galay sida la sheegay xaaladdooda, isla markaana u muujiyay garab istaag iyo in dowladda Soomaaliya ka shaqeynayso sidii xal sharci loogu heli lahaa.
Muwaadiniintan oo gaaraya 44 qof ayaa horey waxaa u qabtay ciidanka ilaalada badda ee Hindiya xilli ay ku sugnaayeen Badweynta Hindiya, waxaana safiirku kula kulmay xabsiga ku yaalla magaalada Mumbai.
Wararka ayaa sheegaya in Soomaalidan ay muddo dheer ku jireen xaalad maxkamad sugayaal ah, taasoo walaac ku abuurtay qoysaskooda iyo bulshada Soomaaliyeed ee la socota kiiskooda.
Dadaallo diblomaasiyadeed ee dadkaani lagu soo daynayo ayaa waxaa bilaabay sida la xaqiijiyey dowladda Soomaaliya, iyada oo ugu dambeyn suurtagashay in la qabto fadhigii ugu horreeyay ee maxkamadda, iyadoo la filayo in dhageysiyada xiga la dedejiyo si kiisku u gaaro go’aan sharci.
HBN ONLINE TV

