Garsoore heer federaal ah oo ku sugan magaalada Boston ayaa si ku-meel-gaadh ah u joojisay qorshe ay maamulka Madaxweyne Donald Trump ku doonayeen in toddobaadka soo socda lagu soo afjaro ilaalinta sharci ee u oggolaanaysay ku dhowaad 1,100 Soomaali ah inay ku noolaadaan oo ka shaqeeyaan dalka Maraykanka.
Garsooraha Maxkamadda Degmada ee Allison Burroughs ayaa soo saartay amar dib u dhigaya taariikhda 17-ka March, oo ahayd maalinta ay waaxda arrimaha gudaha Maraykanku qorsheynaysay in lagu joojiyo qorshii ilaalinta soogalootiga Soomaalida ee ku meelgaadhka ahaa.
Burroughs, oo uu magacaabay madaxweynihii hore Barack Obama, ayaa sheegtay in cawaaqib “culus” ay ka dhalan karaan haddii aan si degdeg ah loo hakinin go’aanka lagu soo afjarayo TPS-ka Soomaalida inta dacwaddoodu socoto.
Garsooraha ayaa qortay: “Dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in haddii TPS-ka Soomaaliya la joojiyo, in in ka badan kun qof ay wajihi doonaan ‘khataro daran oo culus’, oo ay ku jiraan xabsi iyo masaafurin, oo gaadhsiisan waxyeello nafeed haddii lagu celiyo Soomaaliya, iyo sida oo kale iyaga oo ka fogaanaya qoysaskooda.”
Waxay si maamul ah u hakisay dhaqan-galka go’aankaas, waxayna dejisay jadwal ay ku go’aaminayso sida ugu dhakhsaha badan codsiga Soomaalida ee ah in la helo xannibaad muddo dheer ah oo ka dhan ah tallaabada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee DHS.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maraykanka ayaa dhaliilay go’aanka maxkamadda, isagoo ku eedeeyay garsoorayaasha qaar inay isku dayayaan inay ka hor istaagaan siyaasadaha socdaalka ee uu doonayo Madaxweyne Trump..
“Waa tusaalihii ugu dambeeyay ee garsoorayaal u dhaqmaya sidii diranayaal ama dadka u ololeeya xuquuqaha oo isku dayaya inay ka hor istaagaan madaxweyne Trump inuu dib u soo celiyo hufnaanta nidaamka socdaalka sharci ee Maraykanka.” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maraykanka.
Barnaamijka TPS waa nidaam bini’aadantinimo oo u oggolaanaya dadka ka yimid dalal ay ka jiraan dhibaatooyin sida dagaal ama masiibooyin inay si ku-meel-gaar ah ugu noolaadaan ugana shaqeeyaan Maraykanka iyada oo aan la masaafurin.
Dacwadda waxaa gudbiyay afar Soomaali ah iyo ururrada difaaca xuquuqda muhaajiriinta iyo qaxootiga ku nool Maraykanka, kuwaas oo ku dooday in joojinta TPS-ka ay tahay mid ku salaysan takoor iyo eex ka dhan ah muhaajiriinta aan caddaanka ahayn.
HBN ONLINE TV

