Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u beenisay warar sheegaya in Israel ay saldhig militari ka dhisanayso gudaha Somaliland si looga duulo xoogagga Xuutiyiinta Yemen.
Wararkaasi ayaa soo baxay kaddib markii wargeyska Bloomberg uu toddobaadkii hore daabacay warbixin sheegaysa in Israel ay wadahadallo amni la yeelatay Somaliland, gaar ahaan in saldhig laga siiyo magaalada xeebta ah ee Berbera, si looga hortago dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta loogana kormeero amniga Baddda-Cas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa si cad u sheegay in uusan jirin wax heshiis militari ah oo dhexmaray Somaliland iyo Israel. Wuxuu sheegay in wararka ku saabsan saldhig militari ay yihiin kuwo la buunbuuniyay oo macnahoodii laga beddelay, laakiin shabakadda Bloomberg oo soo xiganaysa Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegtay in labada dhinac ay yeelan karaan xiriir amni oo ballaaran, inkastoo aan weli si rasmi ah looga wada hadlin dhismaha saldhig militari.
Wasiirka arimaha dibadda Cabdiraxmaan Daahir ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland iyo Israel ay leeyihiin xiriir ku dhisan aqoonsi is-dhaafsi ah, taas oo u oggolaanaysa labada dhinac inay yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale, balse uusan jirin heshiis militari.
Wuxuu sheegay in uusan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan saldhig militari, isla markaana hadallada mas’uuliyiinta warbaahinta qaar xigteen laga lumiyey macnahoodii dhabta ahaa. Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Somaliland aysan gelin heshiisyo qarsoodi ah. Wuxuu sheegay in sheegashooyinka ku saabsan wada-hadallo qarsoon ay yihiin “borobagaando” lagu khalkhal gelinayo mowqifka Somaliland.
“Warbixinnadan sax ma aha—kuwa sheegaya in Xuutiyiinta halkan laga weerari doono iyo wax la midka ah faafinaya, waa kooxo cadow ku ah Somaliland” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan.
Kooxda Houthis, oo ay taageerto Iran, ayaa maamusha inta badan waqooyi-galbeed Yemen tan iyo markii ay xukunka ka tuureen dowladda caalamku aqoonsan yahay ku dhowaad 10 sano ka hor, taas oo dhalisay dagaal sokeeye oo ba’an.
Bishii Janaayo ee sanadkii hore, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ku daray Xuutiyiinta liiska “ururrada argagixisada caalamiga ah,” sababo la xiriira weerarrada ay ku qaadaan maraakiibta ku sugan Badd-Cas iyo bartilmaameedyada Israel.
Dhanka kale, hoggaamiyaha Xuutiyiinta Cabdul-Malik al-Xuuti ayaa 16-kii Janaayo ka digay in joogitaan kasta oo Israel ku yeelato Somaliland loo tixgelin doono bartilmaameed militari.
Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay dhaleeceyn ka timid Soomaaliya, iyadoo madaxweyne Xassan Sheikh Mohamuud uu hore u sheegay wareysi uu siiyay Al Jazeera in tallaabo noocaas ah ay waxyeelayn karto madax-bannaanida Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa dhanka kale sheegay in Somaliland aysan qeyb ka ahayn colaadaha ka socda gobolka, isla markaana aysan si gaar ah ugu nuglayn hanjabaadaha ka imanaya dhinacyada colaadda.
Wararka ku saabsan saldhig militari ayaa imanaya xilli Israel ay ku jirto xiisad dagaal oo ka jirta Bariga dhexe, iyadoo Maraykanka ay isku dhinac ka yihiin colaadda ka dhanka ah Iran iyo kooxaha ay taageerto sida Xizbollah.
HBN ONLINE TV

