Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay heshiis is-afgarad (MoU) ah ay la saxiixatay gobolka West Virginia ee dalka Maraykanka, kaas oo ku saabsan iskaashiga macdanta muhiimka. Heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaalka ay Muqdisho ku dooneyso inay ku soo jiidato maalgashi iyo khibrad farsamo oo Mareykan ah si loo horumariyo waaxda macdanta.
Heshiiska ayaa daboolaya hawlo ay ka mid yihiin sida la sheegay baarista, soo-saarista iyo sifeynta macdanta, iyadoo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed, halka dhanka West Virginia uu u saxiixay xoghayaha arrimaha dibedda gobolkaas Kris Warner, munaasabad ka dhacday magaalada Charleston. Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac.
Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan uusan ku koobnayn oo keliya helitaanka macdanta ceeriin, balse uu sidoo kale diiradda saarayo is-dhaafsiga teknoolajiyada, kobcinta xirfadaha shaqaalaha iyo dhisidda kaabayaal lagu sifeeyo macdanta gudaha dalka.
Heshiiska ayaa imanaya kaddib wada-hadallo ganacsi iyo maalgashi oo dhowaan ka dhacay Mogadishu oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Mareykanka.
HBN ONLINE TV

