Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo koox isku magacawday Ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed oo la sheegay inay mucaarad yihiin.
Taliyaha hoggaaminayay xubnahan mucaaradka ee dagaallamay, oo magaciisa sababo amni loo qariyey, ayaa sheegay in dagaalku salka ku hayo cabashooyin la xiriira xuquuq ay sheegeen in muddo dheer ay ka maqan yihiin. Wuxuu xusay in ciidamo badan oo ka soo jeeda Qansaxdheere ay ku dhowaad 15 sano la’aayeen mushahaar iyo raashin ay xaq u lahaayeen sida uu hadalka u dhigay, isla markaana degmada ay muddo ku jirtay go’doon, ayna askar ay uga dhinteen howlgalladii lagu xoreeyay.
Sarkaalkan ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed inuu qabto doorasho si loo helo sida uu ku dooday isbeddel siyaasadeed.
Wuxuu sheegay in dagaalkii saaka ka dhacay Qansaxdheere uu ku dhaawacmay hal qof oo ka tirsanaa ciidamada taageersan maamulka sida uu hadalka u dhigay, balse aysan jirin wax khasaare kale oo dhinacooda soo gaaray, iyadoo xiisaddu weli laga dareemayo degmada, isla markaana maamulka uusan weli wax war ah ka soo saarin dhacdada.
HBN ONLINE TV

