Israa’iil oo qorsheynaysa dhismaha saldhig militari oo Somaliland ay ku yeellato, loogana duuli doono xuutiyiinta

Warbixin uu siidaysay shabakadda Bloomberg ee Mareykanka laga leeyahay ayaa daabacday in Israa’iil ay sahaminayso suurtagalnimada iskaashi amni oo istaraatiiji ah oo ay la yeelato Somaliland, kaas oo mustaqbalka keeni kara in Israa’iil ay saldhig militari ku yeelato meel u dhow marin-biyoodka Badda Cas.

Arrintan ayaa la sheegay inay qayb ka tahay dadaallada Israa’iil ay ku xoojinayso joogitaankeeda amni ee gobolka Geeska Afrika. Warbixintu waxay tilmaantay in qorshahan uu ku soo aadayo xilli uu socdo dagaalka bariga dhexe ee Iiran iyo Israa’iil oo taageero ka helaysa Mareykanka.

Sidoo kale Israa’iil ayaa doonaysa inay xakameyso dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen oo ay taageerto Tehran, kuwaas oo weerarro ku qaaday maraakiibta iyo danaha ganacsi ee marinka Badda Cas.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Israa’iil durba bilowday sahamin ku saabsan halka ay ka dhisi karto saldhigga. Bishii Juun ee sanadkii hore, koox yar oo saraakiil amni oo Israa’iili ah ayaa booqday xeebaha istiraatiijiga ah ee Somaliland si ay u qiimeeyaan meel ku habboon saldhig ama xarun milatari oo looga duulo Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo ku sugan qiyaastii aag u jira 260km oo dhinaca kale kaga beegan Gacanka Cadmeed gudaha Yemen.

Mid ka mid ah meelaha la tixgelinayo ayaa ah dhul buuraley ah oo qiyaastii 100 km galbeed ka xiga magaalada dekedda leh ee Berbera, halkaas oo DP World ay ku leedahay deked iyo garoon diyaaradeed milatari oo ay maalgeliyeen Isutagga Imaaraadka Carabta.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in iskaashigaasi u oggolaan karo Israa’iil inay ururiso xog sirdoon oo ku saabsan Xuutiyiinta Yemen isla markaana ay suurtagal noqoto fulinta hawlgallo ka dhan ah kooxdaas. Tani waxay sare u qaadaysaa xiisadda amni ee ka taagan Geeska Afrika iyo marinnada ganacsiga ee muhiimka ah ee Badda Cas, kuwaas oo la sheegay inay wajahayaan halis amni oo cusub.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa bishii Diseembar ee sanadkii hore aqoonsatay Somaliland, talaabadaas oo Israa’iil siisay fursad ay ku yeelato joogitaan diblomaasiyadeed oo u dhow Gacanka Cadmeed, oo si toos ah uga soo horjeeda Yemen.

Dhanka kale, Xuutiyiinta Yemen ayaa wacad ku maray inay beegsan doonaan danaha Israa’iil haddii ay gobolka lug ku yeelato arrimihiisa. Hadda Israa’iil waxay qorsheyneysaa inay xoojiso xiriirka amni ee istiraatiijiga ah ee ay la yeelaneyso Somaliland, taas oo suuragal ka dhigi karta in saldhig qarsoodi ah laga dhiso xeebaha Somaliland, inkasta oo dhaleeceyn ballaaran ay ka timid dalalka gobolka.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in labada dhinac ay yeelan karaan xiriir amni oo ballaaran, inkastoo aan weli si rasmi ah looga wada hadlin dhismaha saldhig militari, arrin dhowr jeer oo hore Hargeysa ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiso.

Tan iyo markii Mareykanka iyo Israel ay weerareen Iran 28-kii Febraayo, qiimaha saliidda iyo gaaska ayaa sare u kacay, halka Marinka Hormuz — oo ay maraan qiyaastii shan meelood meel saliidda adduunka — uu si rasmi ah u xirmay. Warshadaha maraakiibta ayaa sidoo kale wajahaya kharashaad sare oo caymis dagaal ah, iyadoo Iran ay weerartay maraakiib dhowr ah. Ilaa hadda, Xuutiyiinta Yemen ma weerarin maraakiibta marinka, balse waxay muujiyeen inay suurtagal tahay inay dagaalka ku biiraan.

Xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland ayaa la sheegay inuu muhiim u yahay istiraatiijiyadda Israa’iil ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo weli ah wakiilka ugu awoodda badan ee Iran, ka dib kooxaha Xamas iyo Hezbollah.

Si kastaba, aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ayaa caro ka dhalisay dalal badan oo Carbeed, Islaamka iyo Afrikaan ah, oo ay ku jiraan Masar iyo Qatar, kuwaas oo ka digay in arrintani ay keeni karto cawaaqib halis ah oo ku saabsan amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed