Iyada oo banaanbaxyo iyo mudahoraad cabasho ay wadaan dhalinyarada ku shaqeysta Mooto Bajaajta magaalada Muqdisho ayaa waxaa arinkaasi si adag kaga falceliyey Taliska dhexe ee Booliska gobolka Banaadir, kuwaa oo fowdo iyo qas ku sheegay cabashada wadayaasha mootaaleyda.
Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) ayaa sheegay in Bajaajleyda laga yeeli doonin sida banaanbax fowda iyo qas waxaad wadaan way idinka weyn yihiin Raga idin soo diraya ee idin dhahaya magaalada holciya yaysan idin qaldin waxaadna wajihi doontaa sharci adag”
“Dib u fiiriya baara, Kuwa idin dhahaaya banaan baxa idin taageeraaya, idin dhahaaya maalin iyo habeen jidadka xirta—waa kuwaan ilmahooda Xamar Joogin. Ilmahooda kan ugu sokeeye Kenya ayuuu joogaa kuwa kalane meel ka shisheeyey joogaan, adinkana waxay idin leeyihiin booliska iyo amniga la dagaalama wadooyinka xira” ayuu yiri taliye Macalin Mahdi.
Wuxuu sheegay in dagaalka ka socda bariga dhexe aanay masuul ka ahayn dowladda Soomaaliya, balse ay wado qorshe ganacsatada loogala hadlayo xaaladaha suuqa iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi oo shidaalka ugu horeeyo.
Dhanka kale, War saxaafadeed kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay isticmaalka gacan-ka-hadalka ee lagula kacay darawallada Bajaajta oo si nabad ah u cabbirayay cabashadooda, iyo sidoo kale xarigga loo geystay qaar ka mid ah darawalladaas iyo suxufiyiintii tebinayay dibadbaxa. Golaha ayaa xusay in aysan ahayn wax la aqbali karo in dhallinyaro shaqo-abuur sameynaya lagu cabburiyo caga-jugleyn, xarig ama xoog.
Geesta kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cambaareeyay xarigga iyo sida la sheegay tacaddiga loo geystay darawallada Bajaajta ee ku sugan Muqdisho, kadib markii ay dhigeen dibadbax nabadeed oo ay kaga cabanayeen sare u kaca qiimaha nolosha iyo xaaladaha dhaqaale ee adag.
Wuxuu Farmaajo ku dhaliilay mas’uuliyiinta Dowladda inay xireen darawallada oo bannaanbax u sameeyay si ay u muujiyaan walaacooda ku saabsan sicir-bararka iyo duruufaha dhaqaale ee adag. Wuxuu ugu baaqay dowladda inay si degdeg ah u joojiso waxa uu ku tilmaamay cabburinta dibadbaxayaasha, isla markaana uu ku adkeeyay mas’uuliyiinta inay si dhaqso ah u sii daayaan dhalinyarada la xiray.
HBN ONLINE TV

