DFS “Lama siyaasadeyn karo Shidaalka iyo qutul duruuriga—Ganacsatada xaq uma laha”

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa walaac ka muujisay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka ee dalka iyo cuntada qutul daruuriga ah, iyadoo baaq u dirtay ganacsatada dalka inay tixgeliyaan xaaladda adag ee ay wajahayaan shacabka oo duruufaha jira ee abaaraha u sii dheer yihiin.

Cabdiwahaab Cabdi Cumar (Caanuug) oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku tiirsan tahay shidaal dibadda laga keeno, gaar ahaan Iran iyo kan soo mara marinka Hormuz, balse aysan habboonayn in xaaladaha caalamiga ah loo adeegsado in culays dheeraad ah lagu saaro muwaadiniinta.

Wuxuu ganacsatada shidaalka ugu baaqay in aysan raadin macaash xad-dhaaf ah xilli ay bulshada wajahaan duruufo isbiirsaday, oo ay ka mid yihiin bisha barakaysan ee Ramadan iyo abaarta ka jirta qaybo badan oo dalka ka mid ah.

Sidoo kale, wuxuu adkeeyey in aanan la siyaasadeyn karin shidaalka iyo cuntada qutul duruuriga ah.

“Lama siyaasadeyn karo qutul duruuriga, lama siyaasadeyn karo Shidaalka—Ganacsatada xaq uma laha wax ka badan waxa ay keenayaan in maalinta ay dhibaatada jirto ugu faa’iideystaan muwaadiniinta hayntooda ay aad u hooseyso” ayuu yiri wasiir Caanuug.

Hadalkan dowladda ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Mogadishu iyo meelo kale oo dalka ka mid ah ay ka dhaceen bannaanbaxyo ay dhigayeen darawallada bajaajta, kuwaas oo cabasho ka muujiyay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka oo laba jibaar qiimihiisii hore ka sare maray.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed