Ciidamada Xoogga oo Alshabaab ka qabsaday deegaanka Xawaadley Shabeellaha dhexe

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa maanta la sheegay in gudaha u galeem deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo la tilmaamay in kooxda Alshabaab laga qabsaday.

Sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ay si guul leh “u xoreeyay deegaanka Xawaadley” oo horey ugu dhuumaalaysanaayeen maleeshiyaadka Alshabaab.

Deegaankan oo ay horay gacanta ugu hayeen kooxda, kadib markii ay dib ula wareegeen bartamihii sanadkii hore 2025, ayaa waxaa ka dhacay shalay ilaa xalay dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Alshabaab.

Ciidamada Qaranka oo maalmihii la soo dhaafay howlgallo ka waday deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa ugu dambeyn maanta gudaha u galay Xawaadley, kadib howlgal qorsheysan oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida deegaanka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamadu ay gudaha deegaanka ka wadaan baaritaanno iyo howlgallo lagu sugayo amniga, ayna burburiyeen goobo iyo gaadiid ay lahaayeen.

“Guushaan ayaa qeyb ka ah Howlgalka Badar ee bisha barakaysan ee Ramadaan, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay Khawaarijtu ka dhigtaan gabbaad, waxaana la burburiyay fariisimo iyo bakhaarro ay isticmaali jireen” ayaa lagu yiri warka wasaradda gaashaandhigga.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska CXDS ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Alshabab la sii xoojin doono si loo xaqiijiyo amniga shacabka loogana ciribtiro meel kasta oo ay isku dayaan inay gabbaad ka dhigtaan sida hadalka loo dhigay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed