Wararka ka imaanaya magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay halkaasi ku dileen Allaha u naxariistee Muxyadiin Khaliif Caliyow, oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii degmada Kurtunwarey ee isla gobolka.
Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, kooxdii fulisay dilka ayaa goobta ka baxsatay isla markiiba kadib dhacdada, lamana soo sheegin ilaa hadda cid loo qabtay.
Dhacdadan ayaa ka dhacday gudaha magaalada Buulo Mareer galinkii dambe ee maanta, iyadoo maamulka iyo laamaha amniga ay wadaan baaritaanno ku aaddan sida uu dilku u dhacay iyo cidda ka dambeysay.
Dilka Marxuum Muxyadiin ayaa imanaaya, iyada oo dhamaadka bishii hore uu magaalada ka dhacay Qarax xooggan, balse lama soo warin in wax khasaare ah ka dhasheen.
HBN ONLINE TV

