Xubnaha mucaaradka ah ee Golaha Mustaqbalka ayaa si cad uga soo horjeestay isku day kasta oo la sheegay in lagu kordhinayo muddada xilka hay’adaha federaalka, gaar ahaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya, wixii ka dambeeya xilliyada uu dhigayo Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Soomaaliya 2012, inkasta oo dalka hadda uu yeeshay mid cusub.
War-saxaafadeed uu goluhu soo saaray ayaa lagu sheegay in dastuurku si cad u qeexayo in muddada xilka Baarlamaanka Federaalka ay ku eg tahay 14-ka Abriil 2026, halka muddada xilhaynta Madaxweynaha ay ku egtahay 15-ka May 2026.
Golaha ayaa xusay inuu si buuxda ugu hoggaansan yahay dastuurka dalka, kaas oo nidaaminaya muddo-xileedka hay’adaha dowladda, isla markaana lagu dhaariyey Madaxweynaha iyo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka.
Sidoo kale, xubnaha mucaaradka ah ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara isku dayga muddo-kororsi sida hadalka loo dhigay, isagoo xasuusiyay khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka dhacay sanadkii 2021-kii, markaas oo isku dayga kordhinta muddada xilka uu sababay xiisado amni oo ay ku jiraan isku dhacyo ka dhacay caasimadda Muqdisho.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS inay ka waantoobaan waxay ugu yeereen “tallaabo kasta oo horseedi karta muddo-kororsi, islamarkaana ay ka fogaadaan arrimo sababi kara xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni” oo dhaawici kara sida ay ku andacoodeen xasilloonida dalka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.
Dhanka kale, Bayaanka Mucaaradka ugu baaqay Dowlad-goboleedyada Federaalka ee muddo-dhaafka ah inay qabtaan doorashooyinkooda—si waafaqsan dastuuradooda iyo mabaadi’da federaalka ee ku xusan dastuurka federaalka, kaas oo dhigaya in Soomaaliya ay leedahay laba heer dowladeed: heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.
Ugu dambeyn, goluhu wuxuu xusay in Soomaaliya ay marayso xilli xasaasi ah oo u baahan mas’uuliyad siyaasadeed, dulqaad iyo hoggaan leh aragti qaran, isagoo tilmaamay in waddada saxda ah ee looga gudbi karo marxaladdan ay tahay ixtiraamka dastuurka, heshiis laga gaaro doorashooyinka, iyo dhowrista nidaamka federaalka.
Hadalkoodu wuxuu ku soo aadayaa, iyada oo uu madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay dastuurka cusub ee dalka—kaasi oo la faray hay’addaha xukuumadda hoostaga iyo kuwa kale inay bilaabaan dhaqan galintiisa.
Maamulka Puntland iyo Jubbaland oo iyagu si aad ah u diidan wax ka bedelka dastuurka dalka ayaa dib ugu yeeray masuuliyiinta ku matala laba gole ee baarlamaanka Federaalka, si ay la tashiyo ugala sameeyaan mowqifkooda ay wadajir uga qaanayaan arimahaan xasaasiga ah.
HBN ONLINE TV

