Wasiirrada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ku jirto oo ka shiray xiisadda Bariga Dhexe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb-gashay shir degdeg ah oo ay si muuqaal fogaan arag ah u yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo looga hadlayey xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe kadib weerarro la sheegay in Iiraan ku qaaday dalal ka tirsan Khaliijka.

Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay weerarrada ay Iran ku qaadday dalal ka tirsan Khaliijka iyo saameynta ay arrintaasi ku yeelan karto amniga iyo xasilloonida gobolka. Wasiirrada ayaa ka dooday sidii dalalka Carabtu uga qaadan lahaayeen mowqif mideysan oo looga hortago sii xumaanshaha xiisadda.

Intii uu socday shirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badar Abdelatty, ayaa muujiyay garab istaag buuxa oo ay dowladdiisu la leedahay dalalka Khaliijka, Jordan iyo Iraq, isagoo si adag u cambaareeyay weerarradaas isla markaana sheegay in Masar ay si buuxda u diidan tahay falalkaas iyo marmarsiinyaha lagu difaacayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la hirgaliyo iskaashi ammni oo wadajir ah oo udhexeeya dalalka Carabta si loola tacaalo hanjabaadaha, sidoo kalena wuxuu soo jeediyay iney qasab tahay in la sameeyo Ciidamo Carbeed oo wadajir ah oo difaaca dhulka dalalka Carabta.

“Wuxuu xusay baahida loo qabo in la xoojiyo qaababka iskaashiga Carabta, oo ay ku jirto suurtagalnimada sameynta ciidan wadajir ah oo Carbeed si wax looga qabto khataraha jira” ayaa lagu yiri bayaanka Masar.

Sidoo kale, Wasiirrada ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mudnaanta la siiyo wada-hadalka iyo diblomaasiyadda si loo yareeyo xiisadda militari ee sii kordheysa, iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta in xaaladdu u gudubto qalalaase ballaaran oo ka dhaca gobolka.

Dhanka kale, Soomaaliya oo hore u cambaareysay duqeymahaas sida ay uga xun tahay weerarrada sababay khasaaraha naf iyo mid maaliyadeed ee soo gaaray qaar kamid ah dalalka Carbeed ayaa ka qeyb gashay kulankan, iyadoo sidoo kale ku baaqday in la helo nabad waarta oo aan shuruud ku xirnayn oo ka hanaqaadda Bariga Dhexe.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed