Madaxweynaha Soomaaliya oo qalinka duugay dhaqan galka dastuurka cusub ee dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay, qalinkaana ugu duugay Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay dhawaan ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka. Munaasabadda saxiixa oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ayaa goob joog ka ahaa guddoomiyeyaasha labada gole ee Baarlamaanka.

Kadib markii uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka guurtay dastuurkii ku meel gaarka ahaa—una gudubtay dastuur rasmi ah oo dhaqan-gal ah

“Maanta waxaa soo gabangaboobay, safarkii dheeraa ee dib u eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo dheer soo ahaa, mid ku meel gaar ah, Baarlamaanka Federaalkuna ay dhowaan ansixiyeen. Ilaaheey idankiis, maanta wixii ka dambeeya, waxaa noo billaabandoona dhaqan galintiisa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xusay in dhammaystirka dastuurka uu muhiim u yahay xoojinta dowladnimada, midnimada dalka iyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed, gaar ahaan qorshaha ku aaddan doorasho qof iyo cod ah.

Si kastaba, qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamullada Jubaland iyo Puntland ayaa diiday in ay aqbalaan dhaqan-galka dastuurkan cusub, arrintaas oo keentay xiisad siyaasadeed oo horleh oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed