DFS oo sheegtay in gargaar lacageed ay kala wareegtay Shiinaha

Dowladda Shiinaha ayaa deeq lacageed oo dhan 2 milyan oo dollar iyo raashiin ugu deeqday Soomaaliya si loogu taageero gurmadka degdegga ah ee dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

Deeqdan ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay Somali Disaster Management Agency (SoDMA) kadib munaasabad ka dhacday magaalada Mogadishu. Waxaa deeqda kala wareegay Guddoomiyaha SoDMA, Mahmoud Moallim Abdulle, halka uu ku wareejiyay Safiirka China u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya ku taageertay lacagtaas si wax looga qabto xaaladaha degdegga ah, isla markaana ay sidoo kale dayactir ku samaysay bakhaarka keydka raashinka ee hay’adda.

Danjire Wang Yu oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka abaaraha iyo ka hortagga musiibooyinka kale ee ka dhaca dalka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Shiinaha taageerada joogtada ah, isaga oo sheegay in deeqdan lagu caawin doono dadka ku nool 72 degmo oo ka tirsan gobollada dalka, kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha, gaar ahaan 45 degmo oo xaalad degdeg ah ku sugan.

Soomaaliya ayaa haatan wajahaysa abaaro baahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada, iyadoo meelo ka mid ah dalka laga soo warinayo xaalado dhimasho ah. Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha si degdeg ah uga jawaabay dalabka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan wax ka qabashada xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira gudaha dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed