Wasiirrada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta oo ka shiraya xaaladda Bariga Dhexe

Kulan lagu wado inuu ku qabsoomo muuqaalka fogaan-aragga ayaa maanta lagu wadaa in ay yeeshaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ururka Jaamacadda Carabta, kaasi oo looga arinsanayo xaaladda kasii daraysa ee Bariga Dhexe, gaar ahaan duqaynta ay Iiraan ku beegsatay dalalka Khaliijka.

Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa saameynta weerarradaas iyo sida dalalka Carabtu uga qaadanayaan mowqif mideysan oo ku aaddan xiisadda taagan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo horay u cambaaraysay duqaymahaas ayaa la filayaa in ay markale ku celiso sida ay uga xun tahay weerarrada Iiraan ee sababay khasaaro naf iyo mid maaliyadeed oo gaaray dhowr dal oo Carbeed.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay soo jeediso in la helo nabad waarta oo aan shuruud ku xirnayn oo ka hanaqaadda Bariga Dhexe, iyadoo muujin doonta in ay ka fogaanayso cid kasta oo ka shaqaynaysa hurinta colaadaha ama abuurista dhibaatooyin hor leh, sida ay wararku sheegayaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed