Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta xarigga ka jaray Xarunta Amniga Saaybarka ee Soomaaliya (SOMCIRT) ayaa sheegay in loogu talagalay ka jawaabista xaaladaha deg-degga ah ee la xiriira sugnaanta amniga isgaarsiinta iyo weerarrada dhanka internet-ka.
Wuxuu sheegay in furitaanka xaruntan ay muhiim u tahay amniga qaranka, maadaama dunidu si weyn ugu jihaysatay tiknoolojiyadda, isla markaana ay sii kordhayaan falalka amni darro ee ka dhaca dhanka isgaarsiinta. Xaruntan ayaa la filayaa inay ilaaliso xogaha iyo macluumaadka hay’adaha dowladda iyo guud ahaan dalka.
Sidoo kale, Xamsa Cabdi Barre ayaa guul ku tilmaamay hirgelinta xaruntan cusub, oo qaabilsan isku dubbaridka iyo ka jawaabidda khataraha saaybarka, iyadoo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed laga wacyigelin doono khataraha ka iman kara dhanka tiknoolojiyadda iyo isgaarsiinta.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in xukuumadda Xukuumadda DanQaran ay wado qorsheyaal lagu horumarinayo tiknoolojiyadda dalka, kadib markii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ay hirgelisay Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka, taas oo ka shaqeysa horumarinta kaabeyaasha dijitaalka iyo sugidda amniga tiknoolojiyadda.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in xukuumaddu sii wadi doonto mashaariic horumarineed oo wax ka beddelaya nolosha shacabka, isla markaana kor u qaadaya horumarka Muqdisho si ay u noqoto caasimad casri ah.
HBN ONLINE TV

