Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, uuna shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ansixiyay heshiisyo caalami ah iyo xeer-nidaamiyeyaal muhiim u ah dalka, sida lagu sheegay war saxaafadeed rasmi ah.
Golaha Wasiirrada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay 8 qodob oo ay ku jiraan heshiisyo lala galay dalal kala duwan sida Pakistan, Ruushka iyo Spain, kuwaas oo khuseeya arrimo ay ka mid yihiin ka dhaafista dal-ku-galka baasaboorka diblumaasiga, iskaashi caafimaad, wadatashi siyaasadeed iyo dib-u-eegista iskaashiga dalalka Afrika.
Sidoo kale waxaa la ansixiyay heshiisyo caalami ah oo ay ka mid yihiin Heshiiska 1965 ee fududeynta socdaalka gaadiidka badda, heshiis lala galay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamiga ee IAEA oo ku saabsan ka hortagga faafitaanka hubka niyuukleerka, iyo heshiiska Qaramada Midoobay ee 1988-dii ee la dagaallanka ka ganacsiga sharci-darrada ah ee daroogooyinka.
Wasaraadda arimaha dibadda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay ayaa tiri “Heshiiskani wuxuu xoojinayaa u hoggaansanaanta Soomaaliya ee heerarka caalamiga ah ee ku saabsan isticmaalka nabadeed ee tiknoolajiyadda nukliyeerka. Hannaanka Dheeraadka ah ee ku lifaaqan heshiiska ilaalinta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo IAEA, kaas oo kor u qaadaya hufnaanta iyo iskaashiga nidaamka caalamiga ah ee ka hortagga faafidda hubka nukliyeerka”.
Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday xaaladda amniga dalka, gurmadka abaaraha, howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada xoogga dalka kula wareegeen deegaanno cusub, iyo warbixinno ku saabsan casriyeynta dowladda iyo dardargelinta adeegyada dadweynaha.
HBN ONLINE TV

