Xildhibaannada Puntland kumatala BJF oo Garoowe Gaaray, Diidayna Dastuurka Cusub

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Puntland, ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe kadib markii ay sheegeen in muddo lagu xanibay garoonka Muqdisho. Xildhibaannadan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay caasimadda Puntland, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Puntland, xubno federaal ah iyo shacabka Garoowe.

Xildhibaanadan ayaa ku dooday in hor-istaagga lagu sameeyay uu la xiriiro qorshaha dhameystirka wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah, kaas oo ay sheegeen inaan si sharci ah loo ansixin. Waxay caddeeyeen inaysan aqoonsanayn dastuurka cusub, iyagoo ku adkeystay in dastuurka saxda ah uu yahay kii hore ee la wada ansixiyay.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, oo ku sugan Garoowe, ayaa si cad u diiday in deegaannada Puntland lagu dhaqan-geliyo dastuurka cusub. Wuxuu sheegay in habka loo maray uu ahaa “been iyo tuuganimo,” isla markaana ay aqoonsan yihiin oo keliya dastuurkii hore.

Dowladda Federaalka ayaa markii hore mamnuucday in xildhibaannada ay ka baxaan Muqdisho sida ilo madaxbanaan warbaahinta u sheegeen, balse go’aankaas ayaa dib looga laabtay kadib marka la shaaciyay in la soo gabagabeeyay arrinta dastuurka. Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid wax-ka-beddelka, kuna baaqay in la ilaaliyo Dastuurka KMG ah ee 2012 iyo nidaamka sharciyeed ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed