“Maanta safarkii qarankeenu Soomaaliyeed uu soo galay—wuxuu gaaray yoolkii uu hiigsanaayey…” Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu jeediyay ku tilmaamay ansixinta wax-ka-beddelka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya “guul taariikhi ah” oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, kaddib geeddi-socod dheer oo dib-u-eegis iyo dhameystir ah oo socday muddo 14 sano ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muddadii la soo dhaafay dalka uu ku shaqeynayay nidaam ku-meel-gaar ah, kaas oo uu ku tilmaamay “dabar sharciyeed” iyo caqabad weyn oo hor istaagtay xaqiijinta xasillooni buuxda. Wuxuu xusay in ku-meel-gaarnimadu ay saameyn ku yeelatay dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, bulshada iyo xiriirka caalamiga ah.

“Maanta safarkaas ee qarankeenu Soomaaliyeed uu soo galay—wuxuu gaaray yoolkii uu hiigsanaayey oo ah helitaanka saldhig sharciyeed oo dhamaystiran, kaas oo haga howlaha ay qabanayaan hay’adihiisa kala duwan—Ummadda Soomaaliyeedna awood u siiya jihaynta siyaasadda dalka.”,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dastuurka la ansixiyay uu horseedi doono nidaam sharciyeed oo la saadaalin karo, taas oo sare u qaadi doonta kalsoonida maalgashadayaasha iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya. Wuxuu intaas ku daray in dastuur cad oo dhamaystiran uu ka hortagayo ku-takri-falka awoodaha dowladda isla markaana adkeynayo midnimada dalka, dadka iyo dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in ku-meel-gaarnimadu aysan ahayn magac uun, balse ay lahayd saameyn muuqata oo taabanaysay hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo nolosha muwaadiniinta. Wuxuu tusaale u soo qaatay is-maandhaafyo ka jiray hay’adaha federaalka iyo dowlad-goboleedyada, kuwaas oo ka dhashay awood qaybsiga oo aan si cad loo qeexin iyo qodobo iska hor imaanayay oo ku jiray dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa.

“Ku meelgaarnimadu ma ahayn magac uun ee waxay lahayd saameyn ballaaran oo muuqata, taasoo taabanaysay dhamaan hay’adaha kala duwan ee Qaranka iyo nolosha muwaadinka Soomaaliga ah iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed — saameynta oo aan ka tilmaami karo is maandhaafkii ka jiray hay’addaha dowladda, awooddaha Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada oo aan si cad loo qeexin waxaa ka dhashay muran, is jiidjiid joogto ah. Hay’adduhuna waxay mararka qaar adeegsanayeen fasiraad iyaga u gaar ah, halkii ay ku shaqeyn lahaayeen qodobo dastuuri ah oo si cad u qeexan —marmarka qaarna waxaan qabi jirnay qodobo dastuurkeena KMG ah ku yaalla oo iska hor yimaada.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku baaqay in dhammaan hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah u ilaaliyaan, una dhaqan geliyaan dastuurka cusub si loo xaqiijiyo himilada qaran ee xasillooni, horumar iyo dowladnimo buuxda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed