Baarlaamaanka Soomaaliya oo ansixiyey dhamaystirka dib u eegis lagu sameeyey dastuurka KMG ee dalka

Xildhibaannada iyo Senatorrada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku ansixiyey Dastuurka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Go’aanka ansixinta ayaa ku yimid, kadib cod aqlabiyad ah, iyadoo 222 xubnood ay u codeeyeen Dastuurka, kuwaas oo kala ahaa 186 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 37 Senator oo Aqalka Sare ah.

Mudanayaasha ayaa meel mariyey wax-ka-beddelka lagu sameeyey Cutubyada 4-aad ilaa 15-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah, kuwaas oo muddo ay ka shaqeynayeen labada Aqal ee Baarlamaanka.

Natiijada rasmiga ah waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, oo shir guddoominayey kulanka wadajirka ah, wuxuuna sheegay in wax aamus ah aanu jirin.

Xildhibaanada & taageerayaasha dawlada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay ansixinta Dastuurka tallaabo taariikhi ah oo ku wajahan dhammaystirka hannaanka dowlad-dhisidda iyo sharci-dejinta dalka. Dastuurku wuxu qabyo ku jiray tan iyo 2012-dii oo ah muddo ka badan 13 sano.

Maamulada Puntland, Jubbaland & mucaaradka ayaa si adag uga soo horjeestay hannaanka wax looga beddelay dastuurka

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed