Maamulka Jubbaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uusan qayb ka ahayn geeddi-socodka wax ka beddelka Dastuurka Federaalka, isaga oo ku dooday in hanaanka socda uusan waafaqsanayn sida uu hadalka u dhigay heshiisyadii iyo habraacyadii lagu dhisay Dastuurka ee lagu heshiiyay.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala maamulka ay si wadajir ah uga maqan yihiin dhammaan marxaladaha iyo habraacyada lagu wado wax ka beddelka Dastuurka. Sidaas darteed, Jubbaland waxay ku doodday in aan si rasmi ah loogu matalin natiijo kasta oo ka soo baxda hanaankaas.
Maamulka ayaa sheegay in kadib wadatashi qoto dheer oo ay yeesheen xildhibaannada, masuuliyiinta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland, ay caddeeyeen in aysan qayb ka ahayn tallaabooyinka socda, maadaama ay u arkaan waa sida ay hadalka u dhigeene “kuwo aan loo marin wadatashi qaran” oo loo dhan yahay.
Jubbaland waxay si cad u sheegtay in dadka iyo deegaanadeeda aan lagu dhaqi doonin, lagana aqoonsan doonin, go’aan kasta oo ay ugu yeereen “hal dhinac” oo ah wax looga beddelayo Dastuurka, haddii aan loo marin hannaan heshiis qaran iyo is-afgarad buuxa.
Sidoo kale, maamulka ayaa tilmaamay in dastuur kasta oo lagu meel mariyo hannaan aan loo wada dhammayn uusan ka tarjumayn masaalixda guud ee ummadda Soomaaliyeed.
“Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland ayaa si wadajir ah uga magan dhammaan geeddi-socodka iyo habraacyada lagu wado wax ka beddelka Dasturka. taas macnaheedu waa in Jubaland aan si rasmi ah loogu matalin natiijo kasta oo ka soo baxda hanaankaas” ayaa lagu yiri warka Jubbaland.
Ugu dambayn, Jubbaland waxay sheegtay in ay miiska ay u saaran yihiin dhammaan xulashooyin ay ugu yeertay kuwa “sharci iyo siyaasadeed” oo la heli karo, haddii uu dhammaado muddo-xileedka hay’adaha federaalka, iyadoo aan heshiis rasmi ah laga gaarin hanaanka doorashooyinka qaran, isla markaana ay sii socdaan isku dayo sida hadalka loo dhigay lagu gaar yeelanayo go’aamada masiiriga ah.
Go’aankan wuxuu ku soo aadayaa, iyada oo bayaan kasoo baxay Puntland loo dhigay hab aan ka fogeyn midka Jubbaland, ayna go’aamiyeen in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan u hogaansamin in la gaaro heshiis ay Puntland oo qayb ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Saamileyda doorashada Dalka diyaar u tahay in ay ka shaqeyso sidii lagu qaban lahaa doorasho lagu badbaadinayo sida hadalka loo dhigay hannaanka geeddi socodka dowlad dhiska Dalka, loogana hortagayo firaaq dastuuri ah iyo qalaalase amni.
HBN ONLINE TV

